
muqdisho (mareeg news) Caaw oo taariikhda ku beeganthy 15 may maalinta dhalinyatada Soomaaliyeed Ayaa waxaa magalda muqdishu lagu qabtay munaasabad lagu ubax dhigaayay taalada SYL.
Kusimaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamaanka Raisul wasaaraha, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, Duqa Muqdisho, iyo dhalinyaro ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadan.
Sida baratakoolka yahay ubax dhigida waxaa leh Madaxweynaha maadama uu maqnaana waxaa lahaa gudoomiyaha baarlamaanka lakin ma dhicin arintaas oo waxaa boobay oo Booskii madaxweynaha qaatay kana maroogsaday gudoomiyaha baarlamaanka oo baratakool ahaan leh Raisulwasaaraha soomaliya.
Arinta kale oo Layaabka leh ayaa aheeyd kadib markii wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha ay ka maroogsatay qabashada munaasabadaan Gudoomiyaha Gobolka banaadir iyo ururada dhalinyarada gobolka oo munaasabadaan qaban jiray diyaarinteeda iyo kashaqeeynteeda lahaa.
wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha ay ka fara maroojisatay, Gudoonada dhalinyarada Xafladana kama wada muuqan maadama shaqadooda laga faramaroogsaday.
dhanka kale saxaafada ayaa iyaguna caawa si xun loola dhaqmay waxaana loo diiday ineey u gudbaan taalada SYL oo uu RW ubax dhigayay.
Is barbar yaac aad u daran iyo shaqo kala maroogsi ayaa ka jira Hey’adaha dowlada dhaxdooda waxaana arinkaan garwadeen ka ah Raisul wasaare kheyre.