XASAASI:-Shaki Soo kala dhex galay Hey’adaha Amaanka & Halka ay ka yimaadeen labada gaari ee isku qarxiyey Otto Otto?

Read Time:1 Minute, 31 Second

Muqdisho ( Mareeg News )  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen xarun ay wada deganaaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana hallkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari nooca raaxada ah kuwaa oo kasoo koray isgooska Sayidka laba jiho, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee ka howlgala isgooska Sayidka ee uu ka dhacay weerarka.

Gaariga koowaad oo noociisa uu ahaa Parado ayaa isgooska Sayidka kasoo koray dhanka xarunta baarlamaanka gaar ahaan laamiga ka imaada bakaaraha waxa uuna ku dhuftay ilinka laga galo Wasaarada.

Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in laba ruux oo dhar shacab wata uu ku dajiyay halka la dhigo gaadiidka Hoteel Sayid oo ku yaala isla isgooska waxaana xigay Qaraxa oo ahaa mid ay maleeshiyada ku furaneysay bartakoontarool ee laga galo Wasaarada.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in gaariga labaad oo ahaa nooca loo yaqaan Saaruf oo ka imaaday dhanka Isgooska Dabka waxa uuna daba socday gaari nooca dagaalka ee looyaqaan Cabdi-bilaha kaa oo lagu qarxiyay afafka hore ee Hoteel Sayid, iyadoo ay khasaaro kasoo gaartay ciidamadii la socday gaariga dagaal oo qabar moog ahaa.

Gaariga labaad ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baqoolay Degmada Howlwadaag, sida ay xogta sheegeyso waxaa gaarigaasi waday dhagarqabe aad u da’ yaraa, sida aan xogta rasmiga ah ku heleyno.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay inay sii hayeen xogta weerarka hase yeeshee aanu jirin xili rasmi ah oo la filankaray weerarka.

Ciidamada amaanka ayaa ku dhawaad Seddex bil ku jiray heegan si looga hortago Qaraxyada iyo dilalka ay qorsheynayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, hase yeeshaa weerarada ayaa inta badan dhaca xiliyada kala wareega ciidamada amaanka.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo weerarka oo u muuqda mid la hagaayay.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %