XASAASI: Saraakiil Emaraati ah Oo Qeyb ka ah Dagaalka Tukaraq.

Read Time:1 Minute, 6 Second

Tukaraq ( Mareeg News ) Dagaal xoogan ayaa saakay dib uga qarxay Tukaraq oo Ay ku dirarayaa Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee somaliland iyo Maamul Goboledka Puntland.

Dagaalkan oo Qasaaro nafeed oo xoog badan ka dhalatay ayaa hada muuqaneeyso inuu sii xoogeysanaayo, Somaliland ayaa ku eedeysay xukuumada Federalka soomaaliya ineey dabada ka riixeeyso dagaalka ka socda tukaraq.

Madaxweeyne muusa biixi abdi oo ka hadlay Dagaalka waxuu yiri ” Duulaan qaawan ayeey Nagu soo qaaday xukuumada xamar fadhisa waxaan u sheegeynaa inaan aaba yaashood ka taqalusnay afweeynihii ayaan ka tilaabsanay shacabka somaliland waxaan uga baaqayaa mid nimo”

Madaxweeyne biixi ayaa dhanka puntland ka yiri ” Morganka aad wadaan iyo Dulaanka koonfurta gadaal ka riixeyso somaliland cagta ayeey marineeysaa.

Madaxweynaha  Puntland Cabdi wali gaas Waxuu sheegay in dhulka puntland difaaciisa muqads yahay cidna aan looga heybeeysaneeni difaaciisa iyo ilaalintiisa.

Xaalada murugsan ayaa ah in saraakiil ka tirsan imaaraadka carbta ay labada dhinacba siiyaan hub iyo taba bar ciidan waxeeyna arintaan banaanka soo dhigeeysaa damaca guracan ay imaaraadka ka leeyihii Soomaaliya.

Saanada ciidan iyo farsamada labada dhinac ay u isticmaalayaan dagaalka waxaa Jaan gooyay saraakiil imaaraatiyaan ah , Tuhun xoogan ayaa ka jira dhanka somaliland ila wareedyo u dhaw madaxtooyada ayeey mareeg ka ogaatay doorka imaaraatka ee dagaalka tukaraq oo hada ku eg Saanad ciidan waloow ayna kala cadeen dowrkooda dhanka Puntland.

Waxii kusoo kordha Halkaan kala soco

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.