XASAASI:- Nabad iyo Nolol oo Labadan hab Midkood ku ridi doonoto madxweyne xaaf * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Nabad iyo Nolol oo Labadan hab Midkood ku ridi doonoto madxweyne xaaf

Muqdisho ( Mareeg News ) Magaalada dhuusa mareeb waxaa ka socda olole ay dabada ka riixeyso xukuumada federalka soomaliya gaar ahaan xafiiska madaxweynaha , madaxweyne farmaajo ayaa waxuu shaqadan u dhiibay qeeyb kamid ah lataliyaashiisa asigoo faray ineey si deg deg ah uga shaqeeyaan sidii loo ridi lahaa madaxweyne ahmed ducaale geele xaaf.

 

Waa maxeey qorshaha koowaad .

Xafiiska madaxweeyne farmajo ayaa qorshaha koowaad ay qaadayaan waxuu ahaa sidii ay u kasban lahaayeen gudoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug arintan waxeey naqatay mid hada hirgashay oo keentay in madaxda galmudug kala qeeybsamaan dhuusa mareeb iyo cadaado kala dagaan.

Khilaafka maamulka galmudug ayaa waxaa dabka ku shubaya xafiisyada rasul wasaaraha iyo xafiiska madaxweeynaha oo waqtiga iyo qarashka ugu badan ku bixinaya siduu xilka kaga tuuri lahaa madaxweeyne ahmed ducaale geele xaaf.

 

Hada maxeey wadaan la taliyaasha madaxweeynaha .

Saraakiisha xafiiska madaxweeynaha oo loo xilsaaray qabashada hoowshan ayaa magaalada muqdisho kula kulamay saacadahii lasoo dhaafay qeybo katirsan xildhibaanada garabka AHLU AUNA WAL JAMEECA oo hoggaankoodu si buuxda u garab taagan yahay madaxweeyne xaaf , kulamadan ka dhacay muqdisho ayeey saraakiisha madaxtooyadu ay ku qanciyeen xildhibaanada garabka ahlusuna ineey ka hor yimaadaan wasiirada uu soo xulayo madaxweeyne xaaf sidoo kala ay ansixiyaan mooshin cusub oo ka dhan ah madaxweeyne xaaf.

 

Kala qeeybinta xildhibaanada garabka AHLU SUNA WAL JAMEECA ayaa ah hada qorshaha koowaad ay ka shaqeeynayaan saraakiisha madaxtooyudu u xilsaartay ineey ridaan madaxweeyne xaaf.

Beri ayaa lagu in madaxweeyne xaaf uu wasiiro hor keeno baarlamaanka qeeybta taageersan waxaana qorshaha yahay in aan la ansixin golahaas uu soo dhisay.

 

Madaxweeyne farmaajo ayaa wejina gogol ugu fidinaya madaxda dowlad goboleedka gal mudug wajina waxuu ku burburinayaa galmudug.

Haduu qorsha ay wado madaxtooyada naqdo mid hirgala waxaa halkaas kusoo xermi doona waayaha madaxweeyne xaaf oo mucaarad ku ah xukuumada nabad iyo nolol waxuuna geediga iyo dagaal u jaheeysan doonaa kismaayo iyo garoowe .

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

F.G: Rukumo Wararka Mareeg News  si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha.

 

Mareeg.com

xafiiska muqdisho

Email: info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!