XASAASI: Mooshin ka dhan ah RW Kheeyre Oo Soo Ifbaxay Iyo Xildhibaanada Garabka Jawaari Tagersan oo la ogaaday Tiradooda.

Read Time:51 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin waxa ay ka waddaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sidda ay inoo u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday mooshinka, waxaana lagu waddaa in ay saacaddaha soo socda ay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ayaa la gaarsiiyay Saakay Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhexdiisa waxaa ka bilaabatay arrimihii Mooshinka, kadib markii Sabtidii todobaadkaan uu furmay kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xiisad siyaasadeed oo aad u kacsan ayaa xilligaan ka jirto Magaalada Muqdisho, xilli sidoo kale ay taagan tahay xasarada Siyaasadeed ee ka dhalatay arrinta Shirkadda DP World.

Xildhibaano badan ayaa RW khere ku tuhunsan inuu ka dambeeyo Mooshinka laga keenay Jawaari, Waxeeyna ku edeeyeen inuu diidanyahay amarkii ay dul dhigeen Golaha shacabka ee ahaa inuu fuliyo Go’aankii looga mamnuucay DP wold Gayiga somaliya, Hoteelada muqdisho waxaa hada ka socoda kulumo looga arinsanaayo Sida looga hortagi lahaa faragelinta Xukuumadu ay ku heyso golayaasha Sharci Dajinta.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.