XASAASI:- Maxuu Nabad Iyo Nolol uga Doorsaday xilkiisa shariif Xasan Shiiq aadan !




Baydhabo (Mareeg News )  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaddib cadaadis siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay.

 

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

 

Waxaa uu kaloo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Musharaxnimada, taasoo soo afjareysa jahwareerkii ka taagnaa doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

 

Is casilaada Shariif Xasan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaja Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo goor si horeysay gaaray Baydhabo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa si KMG u sii heyn doona xilka Madaxweynaha, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

 

Shariif Xasan ayaa qorsheynayay inuu muddo ku darsado, hase ahaatee cadaadis Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka oo ka soo horjeeday in dib u dhacdo waqtiga doorashada, waana sababta soo dedejisay is casilaadiisa.

 

Sababta Keentay:

 

Shabakadda Mareeg.com ayaa si rasmi ah u ogaatay inuu Shariif Xasan Shiikh Aadan Dowladda Soomaaliya ka qaatay lacag 4 malyan oo Dollarka Mareykanka ah si uu xilkaas isaga casilo.

 

Dowladda ayaa wafdi Xildhibaano ah Shariif Xasan ugu dhiibtay markii ugu horeysay lacag gaareyso illaa 2 Malyan waxaana lagu balamay in labada Malyan ee kale la siiyo marka uu is casilo kadib.

 

Markii uu Shariif Xasan qaatay labada Malyan ayuu bilaabay olole ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, wuxuuna qaar ka tirsan Guddigii Doorashada ku qalqaaliyey inay is casilaan kadib markii uu siiyey lacag waali ah.

 

Sidoo kale wuxuu kiciyey odayaashii dhaqanka isagoo adeegsanayo lacagtii uu Dowladda Soomaaliya ka qaatay.

 

Markaas kadib Dowladda iyo Shariif Xasan ayaa wadahadal kale bilaabay, waxaana lagu eedeeyey inuu ballantii ka baxay balse wuxuu ku dooday inuu is casili doono haddii labada Malyan ee kale loogu daro ka hor inta uusan is casilin.

 

Sidaasna ayaana Maanta loogu diray Wasiirka Arrimaha Gudaha oo waday lacagtii labada Malyan aheyd, wuxuuna sidaas ku qaatay lacag afar Malyan ah, waana sababta dhabta ah ee ka dambeysay inuu Shariifka is casilo.

 

Xogtaan ayaa waxaa Shabakadda Mareeg siiyey xubno si weyn ugu dhow Shariif Xasan Shiikh Aadan, waana xog 100% la isku haleyn karo.

 

Shabakadda Mareeg.com ayaa laba Maalin ka hor idinla wadaagtay inuu Shariif Xasan is casili doono halkaan hoose ka akhriso warbixintaas

DEG DEG:- Shariif Xasan Shiiq Aadan Oo Qaatay Go’aan lama filaan ah

ku dhufo halkaan si aad u Booqato bogga hore ee Mareeg.com oo laga helayo warar qarsoon oo xasaasi ah

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

 

F.G: Rukumo Wararka MAreeg.com si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha

 

Mareeg.com

Xafiiska-Muqdisho

Email: Info@mareeg.com

FIKIRKAAGA DHIIBO