
muqdisho ( mareeg news ) Xildhibanadii digil iyo mirifle oo ahaa kuwii motionka jawaari keenay islamarkaana lasafnaa xukuumada ayaa ergooyin udirsaday jawaari markii shaki weyn uu soo kala dhexgalay iyaga iyo vila somalia.
Shakiga labada dhinac ayaa yimid markii ay kawar heleen xildhibaanadani in xukuumadu ay wadato nin maqaar saar ah oo aan matalin iyaga ,islamarkaana ka shaqeyn doona danaha xukuumada taas oo u cuntami weysay xildhibaanada konfur galbeed .
xildhibaanadan iyo xukuumada oo markii hore ku mideysnaa in la helo nin ka haboon jawaari ayaa markii ay ogaadeen sheekadan waxa ay go aan sadeen ineysan dan ugu jirin eryida jawaari maadaama lasoo wado nin dano gaar ah fulin doono .
Ergooyin ka socda xildhibaanadan ayaaa hada lakulmay jawaari waxa ayna ka codsadeen inuusan iscasil oo ay dhiniciisa soo mari doonaan codna lagu kala baxo si meesha looga tuuro damaca kheyre iyo farmaajo oo ah iney helaan maqaar saar dalka dib u dhiga ,dhinaca kale wararkale oo la helayo ayaa sheegaya in xitaa lacagii loo balan qaaday xildhibaanada motionka wada aan ilaa hada lasiin taas oo iyana shaki kale ku sii abuurtay xildhibaanada oo dhagta markii hore wax loogu sheegay.
Geesta kale shaki xoogan ayaa isna laga soo sheegayaa shariif sakiin oo ahaa shaqsigii markii horaba keenay motionka kadib markii la isku fahmi waayay cida imaaneysa jawaari dabadii.