XASAASI:- Khilaaf ka taagan Ansixinta Goloaha wasiirada galmudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Khilaaf ka taagan Ansixinta Goloaha wasiirada galmudug

Muqdisho ( Mareeg News )  Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleed Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulamo gaar gaar ay u socdaan xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka.

 

Xildhibaano ay la hadashay Shabakadda mareeg News ayaa u xaqiijiyey in maanta kulamo ay yeelanayaan xildhibaanada iyo masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb sida Madaxweynaha maamulkaas Axmad Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukumada Sheekh Maxamed Shaakir,kulamadaan ayaa gogol xaar u ah sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Galmudug kulan lagu wado barri in lagu ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi oo dhawaan Xaaf magacaabay.

 

Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in maal maha soo socda ay is badalo muuqda samaynayaan in kastoo uusa cara baabin waxa ay qabanaayaan.

 

Waxaana muuqata inaan wax xala laga gaarin xiisada siyaasadeed ee madaxda Galmudug ee kula sugan Dhuusamarreb iyo Cadaado,kulamadaan ayaa ku soo aadaya xili deegaanada qaar ay ka jiraan colaado u dhexeeya beelo walaalaa oo wada daga.

 

Galmudug waxaa ku soo laalaabtay khifaafka u dhexeeya madaxda sare ee maamuulkaas oo sababtay inay labo magaalo xarumo ka kala dhigtaan.

 

ku dhufo halkaan si aad u Booqato bogga hore ee Mareeg News oo laga helayo warar xasaasi ah

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

F.G: Rukumo Wararka Mareeg News  si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha.

 

Mareeg.com

xafiiska muqdisho

Email: info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!