XASAASI: Kheyre iyo Farmaajo Oo markaan Taageeraya Jawaari ( Maxaa Sababay ?). * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI: Kheyre iyo Farmaajo Oo markaan Taageeraya Jawaari ( Maxaa Sababay ?).

muqdisho ( mareeg News ) Waxyar ka hor RW kheyre waxa uu ka soobaxay guriga gudoomiye jawaari isagoo ka dalbaday inuu ka laabto iscasilaada.




Xalay gudoomiye jawaari iyo teamkiisa waxa ay si wada jir ah isugu raaceen in si bahasha dhinaca kale loogu rogo uu gudoomiyuhu iscasilo kadibna dagaalka waji kale loo yeelo .

Maanta siyaasadii wajikale ayay yeelatay oo shakiyo badan ayaaa yimid markii la ogaaday in teamkii jawaari ay murashixiin wataaan oo ay doonayaan iney keenaan rag siyaasad ahaan aad uga fog vila somalia waxaana ka mid ah ragaaas abdulqadir cosoble oo isagu hadii uu meesha yimaad oo uu ku guuleysto kursiga gudoomiyaha in meesha uu ka bixi doono rw kheyre oo ah shaqsi la magaacabay maadaama ay isku beelyihiin.


Sheekada xiisaha badan ayaa noqotay in damaca shariif sakiin oo ah xariif siyaasada somalia uuyahay inuu miiska soo saarto saxiibkiis xildhiban abdirashiid xiidig oo horay ugu hungoobay kursigaan ,taaas oo hadii ay dhabowdo qalqal galineysa awooda madaxweyen farmaajo oo ay isku beel ka soo jeedaan .

Isbaheysiga u dhaxeeyay labadhinac shariif sakiin iyo vila somalia ee ahaa marka labadalo jwaari ma cadeyn ,sababtoo ah qolo walbo halmar hadhoco jawaari ayay ahayd .




Markii sheekadaan ay ogaadeen kooxda vila somalia oo dagaalkii uu iyagii ka dhaxbilwoday waxa soo wajahday laba daran mid dooro oo ah in gudoomiyaha ay ku qasbaan inuu ka laabto iscasilaada iyo in ay u diyaargaroobaan dagaal wajiyo badan leh oo ay kala hortagaan shariif sakiin iyo damujadiid oo markan isku saf noqon doona.

Kooxda vila somalia waxaa u fududaatay sida warar lagu helayo iney xaalka qaboojiyaan intii uu imaan lahaa mid meesha kawada erya .


Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!