
Muqdisho ( Mareeg News ) Kulanka Xildhibaanada Golaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu waday inuu maanta qabsoomo ayaa baaqday kadib markii la sheegay inuu fariin baajin ah udiray Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudeey.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay inuu baaqday kulankii maanta ku hor imaan lahaa Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari gudoomiyihii iscasilay.
Si rasmi ah looma oga sababta baaqashada hasa yeeshee Shalay ayaa gudoomiye Jawaari shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inuu faah faahin doono sababihii ka dambeeyay iscasilaadiisa.
Buuq xoogan ayaa ka dhex taagan xildhibaanada xaalada waxeey yeelaneysaa weji cusub.
La soco wixii ku soo kordha.