XASAASI:- Isbaheysiga mucaaradka Ee Horusocod Oo doortay Hoggaan Cusub — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Isbaheysiga mucaaradka Ee Horusocod Oo doortay Hoggaan Cusub

muqdisho ( mareeg news ) Sida ay sheegayaan wararka midowga Horusocod oo ah Isbaheysi mucaaradsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar kala duwan ku lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo kaga hadlayay sidii hoggaan cusub u dooran lahaayeen.

Guddoomiyaha midowga Horusocod ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana Xoghaye loo doortay Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan (Caliyow).



Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii midowga Horusocod C/rashiid Xidig iyo xubnaha  Kudlada Horusocod ay ku kala tageen arrimo kala duwan oo ay ka mid aheyd Mooshinkii Jawaari.

Horaantii bishii April ayay aheyd markii C/rashiid Xidig iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku kulmeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, taasna ay keentay kala shakiga xubnaha midowga Horusocod oo soo dedejisay in Hoggaan cusub ay doortaan.



Horusocod ayaa ah isbaheysiga ugu weyn ee mucaaradka Xukuumadda iyo Madaxtooyada ee xilligan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ka dhex muuqday Xildhibaano caan ah oo dowladdii hore saameyn ku lahaa.



Lama oga hoggaankan cusub isbaheysiga Horusocod waxaa uu ku soo kordhin doono mucaaradadii horay u jirtay ee Xukuumadda iyo Madaxtooyada kala kulmayeen Xildhibaanada aan siyaasad ahaan taageersaneyn labada xafiis.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!