
Tababarayaashii Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga soo baxeen Magaalada Boosaaso, kadib dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.
Talaabada Imaaraadka uu uga baxay Magaalada Boosaaso ayaa lagu micneeyay falkii Ciidamada Amaanka ay ku xayireen Diyaarad ka timid Magaalada Dubia, taasi oo ay la socdeen Saraakiil tababar.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhamaan Saraakiishii Imaaraadka ka joogay Boosaaso ay maanta soo ambabaxeen.
Saraakiisha Imaaraadka ayaa tababaro kala duwan siin jiray Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland.
Waxaa Dalka Soomaaliya ka taagan xiisad u dhaxeysa Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo xusid mudan in dhawaan Diyaarad ka timid Dubai lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.