Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Maxaa Ka Jira Hishiiska Mukhtaar Roboow iyo Shariif hasan & Qorshaha Ka dhanka ah Musharaxaiinta ay Dowlada Tageereyso ?

Beydhabo ( Mareeg News ) Sidee wararka nagu soo gaarayaan waxaa shir Saacado qaatay wada yeeshay madaxweynaha kurisiga baneeynaya Ee Koonfurgalbeed Murashax shariif xasan shiiq aadan iyo Gudoomiye Ku Xegeenkii Hore Ee Al Shabaab Mulhtaar Roobow Abuu masruur , Shirkan oo Saxaafada ay dibad joog ka ahaayeen ayaa ila lagu kalsoonyahay Noo xaqiijiyeen in labada Masuul ay isku af garteen ineey meel qura uga soo wada jeestaan murashaxiinta ay Dowlada Federalka taageereyso.

 

Ilo u dhaw Vila Koonfur Galbeed ayaa Mareeg u xaqiijiyay In mukhtaar Roboow Uu ku qancay in Ciidamadiisa uu kusoo wareejiyo Koonfur galbeed , Taageerana Uu u muujiyo Sharfii xasan oo hada u muuqda in Cadaadis xoogan ka saaranyahay Vila somalia , Shariif xasan ayaa u sheegay Rooboow in Ay Ka shaqeeyaan danta konfur galbeed  Meelana ay uga soo wada jeestaan Wax uu ku sheegay kali wadani Dalnleey ah.

Xildhibaano Katirsan baarlamaanka Federalka soomaaliya oo aad ugu dhaw xafiiska Rasul wasaaraha ayeey dowlada siisay Gawaari aan xabada karin iyo Ciidamo Amaan kooda suga , Xaalada Konfur galbeed ayaa ah mid qarka u saaran khalalaaso siyaasadeed, Waloow aan la saadalin karin cida ku guuleeysan doonta Geemka adag ee ka socda magaalada Beydhaba jaanaay.

 

Dowlada oo markii hore mukhtaar roboow u diiday isku soo taagistiisa qabashada xilka Madaxtinimada Konfur galbeed Ayaa hada waxeey dabka kusii shubeysaa khilaafka labada dhinac , Midoow Ay yeeahaan labada ayaa ah Halis Cusub iyo xaalad Dib usoo bilaabeysa Qorshaha iyo Damaca xukuumada Nabad iyo Nolol ay ka leedaha Koonfur galbeed.

Shaki Aad u xoogan ayaa ka dhax jira Hada Siyaasiyiinta Ay dowlada taageereyso qaarkood waxaana leysku waafaqay in La abuuro Xaalad leyskaga horkeenayo Dhaxdooda.

Mareeg.com

Xafiiska Beydhaba

Email : Info@Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!