XASAASI: Go’aanka AMISOM Ee ku Adaan Khilaafka Siyaasadeed Ee BF Soomaaliya

Read Time:1 Minute, 25 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madeira ahna Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo dhacdadii arbacadii la soo dhaafay ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.




Halkaan kaga boggo war saxaafadeedka ka uu soo saaray Francisco Madeira

1- Sida aad ogtihiin dhammaantiina, waxa aanu mareynaa xaalad siyaasadeed oo adag. Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale loo yaqaan Golaha Shacabka waxa uu xilligan u kala qeybsan yahay laba kooxood oo iska soo horjeeda.

2- Isheysadka wuxuu gaaray  Arbacadii hore heerkiisii ugu sarreeyay oo siyaasad iyo amni la xiriirta, taasi oo keentay in ciidanka AMISOM ay farageliyaan iyaga oo iskaashi la sameynayay ciidamada ammaanka Soomaaliya si xaaladda loo dejiyo.

3- Waxa aan ka helay farrriimo madaxdeyda sare ee Addis Ababa ku sugan, taasi oo la xiriirtay in AMISOM ay u xilsaaran tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo sugo amniga xarumaha hey’adaha qaranka oo uu ku jiro Baarlamaanka.


Midowga Afrika iyo AMISOM waxay tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, waxayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.

Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, AMISOM awood uma lahan inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan, AMISOM gacanta kuma heyn karto Golaha Shacabka waase haddii hey’adaha Soomaaliyeed ee ku shaqada leh ay codsadaan ayey ku dhaqaaqi kartaa. calaa kullli xaal annagu waxa aan ku jirnaa xaalad heegan ah, waxa aan diyaar u nahay in aan caawinno Soomaaliya , baarlamaanka ama meel kaleba ha noqotee.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %