XASAASI:- Dowlada soomaaliya Oo QM ka Diiday Nidaam Lagu Taageeri Lahaa Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Dowlada soomaaliya Oo QM ka Diiday Nidaam Lagu Taageeri Lahaa Somaliland

Muqdisho ( Mareeg News ) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid in la sii wado nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray.

Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jirtay Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka ah ka dalbatay dib u cusbooneysiinta nidaamka gaar ahaan qeybta quseeya Somaliland, kaasoo mashaariicda horumarineed ee beesha caalamka ka fulineyso Soomaalia qeyb gaara looga qoondeeyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso hab kasta oo lagu garab istaagayo maamulada dalka ka jira, balse nidaamka gaarka ah uu keenayo in maamulo kale ay dalbadaan, isla markaana ay halis gelineyso Qaranimada.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!