XASAASI: Dowlada Itoobiya oo billowday qorshe ay isaga hor keeneyso dowladda dhexe Maamul Goboledyada. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI: Dowlada Itoobiya oo billowday qorshe ay isaga hor keeneyso dowladda dhexe Maamul Goboledyada.

Muqdisho ( Mareeg News ) Dowladda Itoobiya ayaa billowday qorshe ay ku dooneyso in ay isaga horkeento qaar ka mid maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu laalay heshiisyada shirkadda DP World oo qeyb ahaan Itoobiya faa’iido ku qabtay.

Generaal Gabre oo ka mid ah masuuliyiinta Itoobiya ee saameynta ku leh arimaha Soomaaliya, kana tirsan saraakiisha IGAD, ayaa shir qarsoodi ah kula yeeshay Nairobi masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Crown ee Nairobi, ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Jubba Land, Axmed Madoobe iyo masuuliyiin sar sare oo ka socday Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Sida lagu helay xogta shirkan, labada dhinac ayaa isla meel dhigay qaabkii maamul goboleedyada uga hor imaan lahaayeen qaraarka baarlamanka ee DP World kasoo saareen.

Waxaa la rumeysan yahay in Itoobiya ay ka faa’iideysaneyso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Jubba Land, Koonfur Galbeed iyo Puntland, islamarkaana ay ku qancin karto in ugu yaraan fowdo ku furaan dowladda dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!