XASAASI:- Ciidamada Imaaraadka tababaray Oo diiday in la diiwaan galiyo

Read Time:1 Minute, 6 Second

Muqdisho ( mareeg news )  Sida aan kasoo xiganay Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga waxaa caqabad ay ka taagan tahay diiwaan galinta ciidamada Soomaalida ee uu tababaray Imaaraadka.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadaasi ay diideen in la diiwaan galiyo isla markaana ay xuquuq ku yeeshan Wasaarada Gaashandhiga ee xukuumada Somalia, sababo la xiriira xuquuqdooda oo toos aheyd.


Sarkaalka aan xogtaani la wadaagnay ee ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga ayaa xaqiijiyay inay aad u yartahay tirada ciidamada uu tababaray Imaaraadka ee aqbalay in lagu daro Wasaarada Gaashandhiga Somalia.

Waxa uu Sarkaalkan sheegay in sababta ugu weyn oo ay u diideen ay tahay in xuquuqda Wasaarada ee lasiiyo ciidamada Xoogga aysan aheyn mid joogta ah, halka Imaaraadka uu kasiin jiray xuquuq dhameystiran.

Warar hoose ayaa sheegaya in Imaaraadka uu si hoose u bixin doono xuquuqda ciidamadaasi, isla markaana ay ku dhici doonto akoono, iyadoo taa bedelkeeda la doonaayo in lagu carqaladeeyo amniga.


Imaaraadka ayaa Askariga ugu yar siin jiray lacag dhan 350 dollar, halka Saraakiisha maamusha ay qatan lacago kabadan 800 oo dollar, waxaana xusid mudan in xuquuqda ciidamada kale ee dowlada ay gaareyso 150 dollar oo aan joogto aheyn.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga ayaa ku howlan xal u helida ciidamada uu Imaaraadka maamulaayay ee qaska ku haya magaalada Muqdisho.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %