Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Beel Fariin Adag u diray RW kheyre iyo Kursi wasiir oo muda kabanaan xukuumadiisa

Muqdisho ( Mareeg News )  Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada iyo La Taliye Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay xil Wasiir oo banaan muddo lix bilood ka xaqiray beel ka mid ah beelaha Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhisan tahay awood qeybsiga iyo matalaada dhammaan beelaha Soomaaliyeed, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaraha uu diiday kursiga Wasiir, kaddib markii uu taageero ka waayay Xildhibaanada Beesha ku matasha Baarlamaanka oo ah Xildhibaan Drs. Mina Xasan Shibis.

 

“Beeshu marar badan ayey Ra’iiisul Wasaaare Xasan Cali Kheyre ugu tageen arrintan iyo mataalaad kale oo ka maqan, iyagoo ka codsanaya inuu qof kuu doono oo beesha ka mid ah u magacaabo xilka Wasiirka ilaa haddana ma dhicin , waxaase sii dheer in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu horay sabab la’aan xilka uga qaaday Maareeyahii Sadaasha Hawada”ayuu yiri Shadoor Xaaji Maxamuud qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

 

“Ma garan karno ujeeddada sida gaar ah uu u dulminayo Ra’iisul Wasaaruhu beesha oo ah canshuur bixiyayaasha ugu badan dadka ku nool Muqdisho. Waxaan xukuumadda u sheegayaa in beeshu aqbali doonin dulmiga ku gaarka ah, Madaxweyne Maxamed Farmaajoo isaguna waxaan leeyahay sida aad ugu dagaallantay inaan laga tagin mataalada Golaha Wasiirada ee beesha aad ka soo jeedo ayaad haddana raali kaga tahay Ra’iisul Waaaraha inuu xaq-duudsi ku sameeyo beelaha qaar”

 

Beesha Galmaax oo ka mid ah beelaha dega Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay in aan la siin xil Wasiiru dowle oo ahaa mataaladii ay ku lahaayeen Xukuumadda, waxaana dhowr jeer hore jiray kulamo Beesha isugu timid Muqdisho oo ay kaga cabanayeen in xaqoodii la duudsiiyay.

 

Ra’sul wasaare kheyre ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo cabashada beeshan dagta magaalada muqdisho sidoo kale uu cadeeyo sababta ka dambeeysa in mudada intaan la eg ay la’yihiin xaqooda iyo matalaadooda madaama dalka wax lagu qeybsaday nidaam beeleedka 4.5 .

ku dhufo halkaan si aad u Booqato bogga hore ee Mareeg News oo laga helayo warar xasaasi ah

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

F.G: Rukumo Wararka Mareeg News  si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha.

 

Mareeg.com

xafiiska muqdisho

Email: info@mareeg.com

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!