Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Arin lama filaan ah oo kusoo Wajahan Shacabka Muqdisho iyo magaalooyin dhowr ah

Muqdisho ( mareeg News ) Kadib doorashadii dalka ka dhacday sanadii 2012 ee uu xilka ku baneeyay madaxweynihii hore ee soomaliya mudane shariif shiiq ahmed waxuu dalka galay xalad soo kabasha ah taas oo keentay in mar labaad doorasho ka dhacdo dalka  gudihiisa taas oo xilka madaxweynaha loogu doortay mudane xasan shiiq mohamuud oo dalka sooo hogaamiyey 4tii sano ee lasoo dhaafay.

 

Cilmi baarayaasha siyaasada geeska afrika ayaa somaliya ku tilmaamay ineey la timid biseel siyaasadeed aadna ay ugu duwan tahy dowlada kasoo kabanaya colaadaha sukeeye , dowladii oo hogaaminayay madaxweyne xasan shiiq maxamuud waxeey dalka gelisay rajo iyo ififaalooyin hor leh ku waaa oo horay uqaaday dimuqraadiyada iyo dowlad wanaaga , xukuumadiisii waxaa lagu xasuustaa dhismaha maamul gobeleedyo taas oo lagu her gelinaayay nidaamka federalka uu dalka qaatay.

 

Sanadii 2017 doorasho ka dhacday wadanka waxaa xilkii madaxweyne loga guuleysatay madaxweyne xasan shiiq maxamuud waxaan xilkii ugu sareeyay dalka loo doortay madaxweeynaha hada talada haaya ee Mohamed abdulaahi farmaajo .

Hirka Baarlamaanka: Ma kheyra buu qaadi doonaa, mise Ducaale ayuu uga dabaalan doonnaa ?

Xukuumada uu soo dhisay madaxweyne farmaajo oo uu hor boodo rw kheyre waxeey dalka qabatay howla muhiim ah waloow aad loogu eedeynaayo arimaha amniga dhisida ciidanka iyo adkeenka dhisida iyo xuujinta dowlad goboleedyada oo qeeyb ka ahaa qorshaha qaranka.

 

Maxaa kusoo wajahan magalada muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka?

Rubuc dhamaadkii sanadka duqii hore ee caasimada thaabit abdi Mohamed ayaa ku dhawaaqay in magaalada lagu qabanaayo shirweeynaha ka tashiga aayaha caasimada, arinta uu gudoomiyihii hore ku dhawaqaayay waxeey gadoodisay dhamaan hey’adaha dowlada oo ay ugu horeysay hey’ada fulinta , waxeeyna qasabtay in xilkii laga tuuro gudomiyihii talada gobolka haaya , sida uu qeexayo dastuurka dalka u yaala waxuu caasimada u ogolaanayaa inee yeelato nidaam hosaat ay u madaxbanaantahy balse arintaas  isku daygeeda ma naqan mid mira dhalay, balse waxuu qasbay ineey madaxa isla galaan hogganka dalka ee isla soo galay loolankii adkaa .

Magaalada muqdisho oo ah caasimada dalka somaliya waxaa had ka dilaacay kacdoon cusub kasoo laga cabsi qabo inuu sababo xasilooni la’aan siyaasadeed oo sameeysa dalka hardanka siyaasadeed ee bilaabanay dowladan talada heeysa oo aan dhameeysan kala bar muda xileedkeeda ayaa dhalin kara is hor istaag ay dowlada ku  sameeyso xisbiyadan furmaya sido kale waxaa la saadaalinayaa in arimahan ay caqabad ku noqon downaan in dowladu gudo howleheedi badalkeedna ay ku mashquusho side iskaga difaaci laheeyd xisbiyadan soo if baxaya.

DAAWO:- Sidee buu u dhacay weerarkii lagu qaaday ciidanka Talayaniga

Maxaa ku socda magaalooyinka kale ee dalka ?

Magaalooyin badan oo konfurta wadanka ah waxa gacanta ku haaya dhaqdhaqaaqa alshaab arintaan ayaa caqabad ku ah in si sahlan ay duufaanta is badalka ku gaarto magaalooyinkaa balse hardanka siyasadeed ee wejiga cusub ayaa noqon doona mid iskugu soo biya shubta dhowrka magaalo ee ay dowlada gacanta ku heeyso,

Magaladee dowlada fedderaalka gacanta ku heysaa ?

In kastoo an la dhayal san Karin maamulada qaar hada sida cad waxaa muuqata in dowlada federalku gacanta ay ku heyso magaaloyin dowr ah oo ay kamid yihiin MUQDISHO, JOWHAR,BALCAD,AFGOOYE,MARKA,BARAAWE,WARSHEEKH,CADALE, waxaa xusid mudan in ay dhaceeyso magaloyinka qaar tuulooyin u dhaxeya ay maamulaan dhaq dhaqaaqa alshaab, magaalooyinka kale ee ay dowlad goboleledyadu ka taliyaan ayaa iyna noqon doona ku wa ay dufaantan si sahlan u gaarin balsae laga yaabo xiriirka xun ee u dhaxeeyay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada inuu saacedio xisbiyada mucaaradka sidaana ay ku gaaraan isbadalada ,

Dowlad federlka oo raiisul wasaare ku xigeenkedu sheegay in ay soo wadaan xisbi weeyn oo uu hor boodi doono madaxweynaha talada haaya ayaa Iyana la ogeen goorta ay hardanka soo galayaan madaama mucaaradka ay goor hore bilaabeen dagaal siyaadeedkooda.

See buu u dhacay weerarkii lagu qaaday taliyaaniga ?

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!