
Mogadishu ( Mareeg News )Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka oo Talaado ah ku sii jeeda Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu martiqaad rasmi ah ka helay Boqortooyada Sacuudiga.
Diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa saaka soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taasoo loo soo diray Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha loo soo diray martiqaadka bishii hore, ka hor inta aysan Madaxda dalalka Geeska Afrika tagin magaalada Jeddah, balse arrimo farsamo xilligaas u baaqatay.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Sucuudiga ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Sacuudiga uu door weyn ka qaaday is bedelada geeska, sida dadaaladii dib u heshiisiinta iyo soo afjarida colaadaha u dhaxeeyay dalalka Gobolka sida Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa hoos u dhigtay taageeradii Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafka Khaliijka oo dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah.
Xiriirka wadamada Turkiga Iyo sacuudiga Oo Baryahaan Mugdi soo galay dhanka qunsuliyada ayaa Waxaa laga cabsi qabaa in dowlada somaliya sacuudi kala safato Turkiga oo ah dowlad aad uga qeyb qaadata kabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhisida ciidanka SNA .