Xarunta Wasaarada Gaadiidka ee Gobolka Sh/Dhexe oo
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana xariga looga jaray wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa maanta ka dhacday magaalada jowhar ee xarunta u ah Gobolka shabeelaha dhexe .
Furitaankii munaasibaddan oo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka shabeelaha dhexe, gaar ahaan Magaalada Jowhar , Mas uuliyiin kala gedisan oo heer Gobol oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Muxumed Sugaal, Xoghayaha Guud ee Gobolka shabeelaha dhexe, Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar Maxamad Cali Muudeey(Kalaay) ugu horeyn Waxaa Munaasibadaasi ka Hadlay Iskuduwaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Gobolka Shabeelaha dhexe Xasan Cali Caadle(Xaraare) oo sheegay in wasaaradda ay tahay muddo 24 sano ah ka dib wasaaradii ugu horeysay ee si rasmi ah xarun uga furato Gobolka shabeelaha dhexe isla markaana uu u baahan yahay in haddii aan lala shaqeyn uusan kaligii waxba qaban Karin isla markaana ay muhiim tahay in Gaadiidka oo la diiwaan geliyaa ay qeyb ka tahay sugidda amniga guud ee Gobolka si ay meesha uga Baxdo gaadiidka loo adeegsado falalka ka dhanka ah amniga guud , waxaa isna munaasinbadaa ka hadlay Gudoomiyaha iskaashada Gaadiidka Gobolka shabeelaha dhexe gudoomiyaha Iskaashatada Gaadiidka ayaa Ballan qaaday in ka gudi ahaan ay u hogaansami doonaan awaamiirta ka soo baxda wasaaradda Gaadiidka wuxuuna gaadiidleyda ugu baaqay in wasaaradda ay si buuxda ula shaqeeyaan , sidaasi si la mid ah Waxaa xafladdaa furitaanka ka hadlay Mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka oo amaanay wasaaradda Gaadiidka tallaabada geesinimada leh ee ay qaaday oo ah mid ku dayasho mudan isla markaana ay tahay Dowladnimada dhabta ah sida ay ku jirto in wasaarad kastaa ay is ballaariso Isloow Dhaqane Indhogiir ayaa maamulka Gobolka ugu baaqay in wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ay ku garab istaagaan
Taliyaha Ciidamada Nabad Gelyada Wadooyinka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Gaashaanle C/laahi Cali (Madaxeey) oo isna goobta ka Hadley ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Wasaarada Gaadiidka, sidoo kalena ay wax weyn ka qaban doonaan howlaha amaanka wadooyinka.
Wasaaradan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo mudo 24 sano kadib laga furo gobolka Shabeelaha dhexe, tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Comments are closed.