Xarunta Doorashada Magaalada Cadaado Oo Maanta Qof Lagu Toogtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xarunta Doorashada Magaalada Cadaado Oo Maanta Qof Lagu Toogtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ku waramayan in maanta halkaasi lagu Toogtay Nin la sheegay inuu ka soo horjeeday Qaabka loo soo xulay Ergada Doorashada Beeshiisa.

Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay haleeshay rasaas uu furay mid ka mid ah Ciidanka ilaalada xarunta Doorashooyinka Magaalada Cadaado.

Ciidanka amniga maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen  Askarigii  Dilka Geystay.

Waxaa maanta mar kale Magaalada Cadaado ka dhacday Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee maamulka Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!