Xarunta Dhaqan Celinta Al-Khayraad oo qayb Gabdhaha lagu xananeeyo lagu soo kordhiyey.

Maamulaha Xarunta Dhaqan Celinta, Tarbiyada Diinta iyo Xidfinta Qur’aanka Kariimka ee Al Kheyraad Shiikh Axmed Kheyre Foodeey oo Warbaahinta la Hadlay ayaa sheegey in Xarunta markii hore ay u gaar ahayd Wiilsha oo kaliya Balse Codsi uga yimid Bulshada Soomaaliyeed darteed lagu Kordhiney Qayb u Gaar ah Gabadhaha oo lagu dhaqan celinayo, wax lagu barayo laguna xananeynayo dumarka xanuunsan.
“Xaruntan Alkheyraad Waa Xarun lagu dhaqan Celiyo Wiilasha waxaana la furey Sannadkii 1998 waxay ka mid tahay Xarumaha Dadka lagu dhaqan Celiyo, laguna Tarbiyeeyo islamarkaana lagu baro Diinta islaamka oo ka jira Soomaliya, waxaa ka Aflaxay Wiilal badan oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Maamulaha Xarunta Alkheyraad Axmed Kheyre Foodeey oo intaa sii raaciyey.
“20 Sanno ka dib waxaan ku Guuleysaney oo Ilaah ugu Mahadcelineynaa in aan Furno Qaybtii Labaad oo u gaar ah Gabdhaha , waxaa lagu barayaa Culuunta kala duwan ee Diinta islaamka sida: Barashada Qur’aanka Kariimka iyo Tafsiirkiisa, Barashada Axaadiista Nabi Maxamed NNKH iyo Siiradiisa, Tajwiijka iyo Saxidda Qur’aanka”.
“Waxyaabaha kale ee lagu baranayo Xaruntaa waxaa ka mid ah Barashada Fiqiga iyo Naxwaha, Af Soomaaliga iyo Xisaabta, Carabiga iyo Far Qurxinta , waxaa intaa dheer in Xarunta lagu baranayo Cunta karinta iyo Cilaan Saarka Maadaama Xarunta ay dooneyso in ay soo saarto Hablo ka dhisan Diinta iyo Akhlaaqda,” sidaa waxaa yiri Maamulaha Xarunta Axmed Kheyre Foodeey.
NB. Xarunta Dhaqan Celinta Al-Kheyraad waxay ku taalaa degmada Hawlwadaag kasoo horjeedka Xaruntii Rugta Saraakiisha ee Shiirkole.
Wixii intaa dheer la Xiriir.
061588801 ama 061588801 ama 0617888010 ama 0615103267.
WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle.
About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245