Xarunta Ay Ka Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Oo La Diyaariyay +Sawirro

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Arbacada ah ee nagu soo aadan ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xarunta Doorashada loo wareejiyay xerada Afasiyooni.

Xaruntan ayaa hore loogu qabtay shirkii madasha iyo beesha caalamka, waxaana talo ku soo jeediyay guddiga anshaxa, iyado xaruntii hore ee Jeneraal Kaahiye looga baqay arrimo dhinca ammaanka iyo musuqa ah.

Xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in qaadkeedu yar yahay maadaama Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ay ka kooban yihiin 330 Xildhibaan taasoo keeneysa in la Xadido Weriyeyaasha iyo dadka korjoogtada ka ah  Doorashada Soomaaliya.

 

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia