Xarun dadka lagu karantiilo oo ku taalla Puntland oo la xiray + sababta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xarun dadka lagu karantiilo oo ku taalla Puntland oo la xiray + sababta

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa guud ahaanba xirtay Xarunta  karantiil Cudurka Coronovirus ee Garoowe sida lagu wargaliyey shaqalihii Xarunta.

Wararku waxaa ay tibaaxayaan in Shaqaalihii Xarunta oo ka koobnaa 10 qof ay wasaaradu ku wargalisay in aysan wax mushaar ah u heyn  shaqalaha Xarunta.

Shaqaalaha ka shaqynayay xarunta ayaa la sheegay in  4tii bilood ee ugu damaysay  qaadan wax mushaar ah, balse masuuliyiinta ayaa u sheegay in dib loogu soo diri doono lacagtii ay Xaqa u lahaayeen.

Sidoo kale waxaa jirta shaqaale ka shaqeeya Goobaha Caafimaadka gaarka looleeyahay  oo loo soo bandhigay in ay ka shaqeeyaan Xarunta Covid19 ee Garoowe.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta sare ee maamulka Puntland, kaasi oo ay kaga hadlayaan tallaabada Wasaaradda caafimaadka Puntland ay guud ahaanba ku xirtay Xarunta karantiil Cudurka Coronovirus ee Garoowe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.