Xarun caafimaad oo markii u horeeysay laga hirgaliyay Deegaanka Bitaale ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Read Time:1 Minute, 7 Second

Munaasabadda furitaanka isbitaalka deegaanka Bitaale ee Waqooyi Bari Gobalka Mudug ayaa waxa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka gobalka Mudug waxgarad, dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi Bitaale

Ugu horeeyna waxaa munaasabada ka hadlay Xaliimo Jaamac Cilmi iyo Dr Cali Daahir Mire oo ka mida dadkii ka qeyb galay munaasabadda xariga looga jarayay isbitaalka Bitaale ayaa sheegay in dib u howlgalinta isbitaalkan ay gacan ka geysteen Dhaqaatiir Soomaaliyeed ku kula sugan dalka iyo dibadda, isbitaalkuna uu noqan doono mid si lacag la’aan ah loogu daweeyn doono bulshada ku nool deegaanada dhaca dhanka Waqooyi Bari Gobalka Mudug

Qaar ka mida qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanka Bitaale oo hadalo ka jeediyay xaflada furitaanka isbitaalka Bitaale ayaa sheegay in deegaankaasi ay ka jireen dhibaatooyin fara badan oo la xariira dhanka adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka waxbarashada iyo biyaha.

Ugu danbeeyn guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa ka dhawaajiyay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan wax ka qabashada baahiyada dhanka adeega bulshada ee ka jira guud ahaan deegaanada Gobalka mudug

Qaar ka mida dhaqaatiirtii ka qeyb gashay munaasabada ayaa intii ay socatay waxa ay halkaasi baaritaanno caafimaad iyo daweeyn lacag la’aan ah ugu sameeyeen in ka badan 100 ruux oo isugu jira carruur iyo haweenmudugxarun caafimaad laga furay galmudug

Sawir Qaade Wariye C/risaaq Maxamed Axmed

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.