Xarumo ay laheyd Dahabshiil oo laga xiray Jubada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in la xiray Xafiisyada Xawaalada Dahabshiil ku lahayd dhowr magaalo oo ka tirsan gobalkaas.

xiritaanka xarrumaha xawaaladda Dahabshiil ayaa yimid kadib markii sida la sheegay muran soo kala dhex galay maamulka Allshabaab ee gobolkaas iyo maamulka xawaaladda.

Shirkada Dahabshiil ayaan weli arrintan ka hadlin, amarka lagu xiray xarumahooda magaalooyinka Bu’aale, Jilib iyo Saakow.

Alshabaab ayaa degmooyinka ayaa maamulaan dadka ku uruuriya lacago, raashin iyo xoolo nool, kuwaasoo ay sheegaan iney zeko ahaan u qaadayaan.

Mareeg Media

 

 

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245