Xarruntii Hore Ee Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dayactir Lagu Bilaabay

Read Time:47 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay dayactir lagu samaynayo xaruntii hore ee maamulka gobolka (Fisho Governo), waxaana shaqada qeyb weyn ka qaadanaya dowladda Turkiga oo leh gaadiidka shaqada wada.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyadda ee maamulka gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar oo ku dhowaaqay dayactirka xarunta ayaa tilmaamay inuu qorshaha qeyb ka yahay olole la doonayo in lagu soo nooleeyo bilicdii ay lahayd caasimadda, isagoo intaas ku daray in dib-u-howlgelinta xarunta ay dowladda dhexe u tahay tallaabo horumar leh.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaalida dibadda inay ka qeyb-qaataan dayactirka xaruntii hore ee maamulka gobolka.

Odayaasha degmada Xamarweyne ayaa soo dhoweeyay dayactirka lagu samaynayo xarunta, iyagoo tallaabo horumar leh ku tilmaamay qorshaha.

Fisho governo ayaa xarun u ahayd dowladdii hoose ee Muqdisho ka hor burburkii dowladdii dhexe, iyadoo maamulka gobolka uu hadda si kumeel-gaar ah ugu shaqeeyo xarunta wasaaradda garsoorka ee dowladda federaalka ah.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %