Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa maanta xariga ka jaray “Waaxda dad dhigista Dowladda Hoose” halkaasoo ah xarrun laga qaadanayo Warqadda dhallashada iyo aqoonsiaga muwaadinka Soomaaliya.
Munaasibad Kooban oo xariga looga jarayey xafiiska waaxda dad dhigista Dowladda Hoose oo ku yaala degmada Shangaani ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tsrsan uga dhawaaqay in manta kadib xafiiskaasi uu u furan yahay umadda Soomaaliyeed
Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in 13-qof oo shaqaalo ah ay ka shaqeeyaan goobtaasi aqoon uleh shaqadaan, waxaana sidoo kale goobtaan lagu qaadanayaa warqada dhalashada oo lacag ahaan lagu qaadanayo qiimo dhan shan doolar.
Kaarka wadaninimada ayuu sheegay duqa Muqdisho in lagu qaadanayo lacag dhan ($10.5) Toban doolar iyo bar oo account bank lagu shubayo, kadibna qofka uu buuxinayo foom loogu talo-galay oo uu qaadanayo intaasi kadib.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii xusay in tallaabo walba oo qofka Soomaaliga ah ku doonayo in uu ku sameysto Danihiisa gaarka ah laga doonayo Warqadda dhallashada Soomaaliga.
Guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar “Cali Xamari” ayaa ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali.
Shalay ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud uu Muqdisho kaga dhawaaqay daahfurkay nidaam cusub oo lagu qaadanayo Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga.
General Gaafow oo ugu horeyn ka hadlay nidaamka cusub ee lagu qaadanayo baasaboorada cusub ee (E-Passport) ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub uu leeyahay, isagoo sheegay in hadda waxii ka dambeeya aan la bixin karin baasaboor cusub oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali.
“Baasaboorada cusub waa ka duwan yihiin kuwii horay loo qaadan jiray, waxaa qofka qaadanaya uu goosanayaa warqadii aqoonsiga, warqada dhalashada, markaa intaas oo dhan uu helo ayuu baasaboorka cusub uu qaadanayaa”ayuu yiri Gen. Gaafow
Sidoo kale Gen. Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xafladda daah-furka barnaamijkan cusub ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, isla markaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya aanay jirin dooni in waraaqaha laga soo sameysto goobaha kale sida Cabdala Shideeye oo uu tilmaamay in wixii shalay ahaa aan la isku qabsan doonin.
“Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn caalamka, Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mareeg.com