Xarig iyo Xoog:-Musa bihi Abdi Oo Silsiladihii Madaarka Hargeysa u Rogay Bariga Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xarig iyo Xoog:-Musa bihi Abdi Oo Silsiladihii Madaarka Hargeysa u Rogay Bariga Somaliland

Burco ( Mareeg News ) madaxweeynaha Somaliland muse bixi abdi ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku gaaro magaalada burco ee bariga somaliland mr biixi abdi mudo sanad ah kadib ayuu u baxayaa magaaladan burco oo inta badan ay ku badan yihiin dad ka fikir duwan biixi aadna u dhaliila sida uu wax u maamulo .

Sababta ugu weeyn ee safarkiisa magaalada burco ayaa ah in madaxweyne biixi uu xariga ka jaro xabsiga ugu weeyn magaalada burco sidoo kale na noqonaya xabsiga ugu weeyn bariga Somaliland , caadiska xukuumada mr biixi ay ku heyso degaanada dhaca bariga Somaliland ayaa aad isku soo tarayay bilihii lasoo dhaafay , furista xabsigan ayaa waxeey kor u qaadeysa sida la sadalinayo is fahm la’aanta ka dhex aloolsan bulshada dagan bariga Somaliland iyo xukuumada talada heysa.

 

Warar hour dhac ah ayaa sheegay in odayaasha magaalada burco ay aad u dhaliileen furitaanka xabsiga ugu weeyn bariga Somaliland waxeeyna ku tilmaameen xaalad aan laga filiin xukuumada .

Mid kamid ah oday dhaqameedyada bariga Somaliland gaar ahaan kasoo jeeda magaala burco oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in burco ayna u baahneen xabsiyo balse ay xukuumad biixi manta ay ka sugaayeen ineey dadka walaaleeyso aragtiyada kala duwana dhageysato burcana ay u baahantahay isbitaal , jaamacad, Dugsi , iyo kabayaal dhaqaale oo bulshada wax tara.

 

Furitaanka xabsiga ayaa loo arkaa inuu kala sii fogeeyn doono bulshada ku dhaqan bariga Somaliland iyo maamulka talda haaya , hey’adaha xuquuqul insaanka ayaa xukuumada hada jirta ku eedeyay dhowr jeer ineeyna dhowrin xuriyada hadalka iyo aragtida.

Maamulka Somaliland oo dhowr jeer xabsiyada u dhigay dad badan sabab la xiriirta ineey qabeen aragti kasoo horjeeda raga tala hayaa ayaa hada waxaa lees weydiinayaa waxa uu xabsigan ka badali doono xaalada xariga iyo handaada ah ee loo geeysto dadka ka aragtida duwan xukuumada .

ku dhufo halkaan si aad u Booqato bogga hore ee Mareeg News oo laga helayo warar xasaasi ah

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

F.G: Rukumo Wararka Mareeg News  si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha.

 

Mareeg.com

xafiiska muqdisho

Email: info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!