Xarakada Al-Shabaab oo Qiratay geerida Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xarakada Al-Shabaab oo Qiratay geerida Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal)

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay Bayaan si rasmi ah loogu shaaciyey geerida Shiikh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo ahaa Waaligii ama gudoomiyihii Al-shabaab ugu magacownaa gobolka Banaadir.

Bayaanka Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyey in duqeyn ay fuliyeen dayuuradaha Mareykanku dhowaan lagu qaarajiyey Shiikh Cali Jabal.

Al-Shabaab ayaa bayaankooda kaga sheekeeyey waxyaabihii uu kooxdaas u qabtay Shiikh Cali Jabal iyo kaalinta uu kaga jiray dagaalka ay kujla jirto ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

“Maalintii Axadda ahayd oo taariikhdu ku beegneyd 7-dii dul-qacdah 1438h, Isagoo howshiisa heerkii ugu sareysay marinaya, laf dhuun gashay ku noqday cadowga, isagoo ku sugan saldhigiisii la deriska ahaa Wilaayadiisa, waxay isku dayeen dayuuradaha Mareykanka ee fulayaasha ah inay duqeeyaan, markii koowaad wey la weysay hadafka markii labaadna wey la heshay” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Shiikh Cali Jabal uu la geeriyooday wiilkiisa oo la oran jiray Maxamed Amiin 12 sano jir ahaa.

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia ayaa dhowaan shaaciyey in duqeyn ka dhacday gobolka Sh/hoose lagu dilay Shiikh Cali Jabal oo ay ku eedeeyeen inuu abaabulay qaraxyo iyo weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho kuwasoo ay ku dhinteen dad fara badan qaar kalena ku dhaawacmeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!