Xagee laga riday madaafiicdii xalay laga maqlay Muqdisho? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xagee laga riday madaafiicdii xalay laga maqlay Muqdisho?

Mareeg.com: Xalay fiidkoo hore intii aanba la gelin salaadda cishaha ayaa Muqdisho laga maqlay daryanka hoobiyaal dhowr ah, kuwaasoo markii dambe la ogaaday iney ku dhaceen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyaashan ayaa khasaare u geystay dad rayid ah oo ku noolaa Xamar Jajab, waxaana la sheegay in ilaa 7 ruux oo u badan dumar iyo caruur ay ku dhaawacmeen madaafiicdaas.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab, Axmed Cusmaan Dhoore ayaa warbaahinta u sheegay in dhowr madfac ku soo dhaceen xaafado ka tirsan degmada uu gudoomiyaha ka yahay.

Madaafiicdaan oo aan la ogeyn cidda ridday ayaa loo badinayaa in laga tuuray meel ka mid ah degmada Boondheere, iyadoo dadka deegaanku sheegeen iney arkeen 2 gaari oo meel jid cadde ah ka ridaya hoobiyaashaas.

Kooxda rideysay hoobiyaasha ayaa waxaa rasaas meel fog uga soo riday ilaalada sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo degan degmada Wardhiigley, gaar ahaan meel ku dhow halka ay ku kala baxaan Boondheere iyo Wardhiigley.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore ayaa sheegay in dhowr madfac ku soo dhaceen xaafado ka tirsan degmadiisa, isla markaana ay jiraan dhaawacyo shan ruux ka badan oo rayid ahaa.

Si rasmi ah looma oga halka uu ahaa bartilmaameedka mnadaafiicda, hase ahaatee waxaa loo maleynayaa inuu ku socday dhinaca Dekeda Muqdisho, maadaama ay ku dhaceen degmada Xamar Jajab oo dekeddu ku taallo.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah kama soo bixin saraakiisha hey’adaha amniga oo ku saabsan madaafiicda xalay ku soo dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Labo habeen ka hor ayay aheyd markii madaafiic hoobiyeyaal ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo labo ruux ay ku geeriyoodeen, halka tiro kalena ku dhaawacmeen xilli habeen saq dhexe aheyd.

Ma jirto cid sheegatay madaafiicdaas, waxeyna ku soo beegmeen xilli shalay si lama filaan ah golaha wasiirada Soomaaliya xilkii uga qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, C/llaahi Maxamed Cali San-baloolshe.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!