Xagee ku dambeeyey sarkaalkii Alshabaab ee dhawaan galay gacanta dowladda Soomaaliya? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xagee ku dambeeyey sarkaalkii Alshabaab ee dhawaan galay gacanta dowladda Soomaaliya?

Mareeg.com: Maanta waxaa soo baxay warar sheegaya in Zakariye Ismaaciil oo horay uga tirsanaa Alshabaab, basle dhawaanahan ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku hayeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ay kaxeysteen ciidamada Kenya, lana geeyey Nairobi.

Taliyaha Ciidamada dowladda Jen. Cabaas Gurey ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee Muqdisho in Zakariye Ismaaciil la geeyay Nairobi, isla markaana uu isna la socdo, balse wixii faah faahin ah uu dib ka soo sheegi doono.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya sarkaalka Alshabaabka ahaa ka wateen garoonka diyaaradaha Wajeer xilli diyaarad loo saari lahaa Muqdisho.

Hogaanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku beeniyey in Zakriye u gacan galay dowlad kale, waxaana hay’adaasi sheegtay in Zakariye ku jiro gacantooda.

“Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Horjoogihii kooxda Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka ee lagu macagaabo Zakariye u gacan galay dowlad kale, taasoo ah warar been abuura, waxaana Sakariye uu ku jira gacanta Hayadda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Sirdoonka Soomaaliya.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xustay in xiliyada soo socda ay dowladda Soomaaliya warbixin dheeraad ah kasoo saari doonto xaaladda Zakariye.

Taliyaha milatreiga Soomaaliya ee gobolka Gedo Col Cabaas ayaa dhowaan sheegay iney u diideen ciidamada Kenya ay u diideen inay la waregaan Zakariye.

Zakariye Ismaaciil ayaa sabtidii la soo dhaafay isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku suganaa degmada Ceel Waaq, waxaana uu sarkaalkan muddo ku dhuumaaleysanayay howdka Gobolka Gedo, isagoo baxsad ka ahaa Al-Shabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!