Xafladda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jabuuti oo ka socoto gudaha dalka Jabuuti * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xafladda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jabuuti oo ka socoto gudaha dalka Jabuuti

Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa maanta lagu wadaa in loo caleemo saaro xilka Madaxtinimada Jabuuti kadib markii uu dhawaan ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday, waxaana munaasabadda ka qeyb galaya madaxda gobolka oo uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Makaa’iil Rashiid Barre ayaa ku soo waramaya in xafladda ay iminka ka socoto gudaha dalka Jabuuti, iyadoo ay hoolka shirarka ku sii qul qulayaan madaxda gobolka, wafuud ka socoto dalalka caalamka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa qeyb ka ah madaxda ka qeyb galaysa xafladda caleemo saarka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!