
Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujinayay Musharax xildhibaan Makko Maxamuud Muuse oo ah murashax u taagan xildhibaannimada baarlamaanka dowladda fedareelka Soomaliya oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusomareeb.
Xafladda waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, aqoonyahano iyo waliba haweenka kuwaa oo kamdi ah dadka ku dhaqan gobalka Banaadir kana soo jeeda Hishabelle iyo Galmudug.
Waxaa dhamaan dadkii kualnka ka soo qeyb galay ay halkaas ka soo jeediyeen hadallo ku aaddan soo dhoweyn iyo taageero ay u muujinayeen musharax Xildhibaan Makko Maxamed Muuse iyagoo isku raacay iney tahay shakhsi u qalma inuu ku matalo kursiga ay u tartameyso oo ah HOP064.
Waxaa munsabadda ka hadlay dhalinyarada, dhaqanka iyo siyaasyiyiinta ka soo qeyb gashay iyagoo sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin mushataxnimada Makko Maxamuud Muuse i iyagoo soo hadal qaaday waxyaabo badan oo uu qabtay isagoo aan xil dowladeed heynin sida minxo waxbarasho oo jaamacadaha dalka ah iyo garab siinta qeybaha kala duwan ee bulshada uu ka soo jeedo.
Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda hadal kooban ka soo jeediyay musharax Xildhibaan Makko Maxamuud Muuuse oo uga mahadceliyay dadweynaha soo dhoweynta iyo qaddarinta ay u muujiyeen, waxaana uu ballan qaaday in ay umadda ugu shaqeyn doono si caddaalad ah, islmarkaana ay noqon doonto xildhibaanad u taagan horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed iyo midda gaar ahaaneed ee deegaanada kursiga ay u sharaxantahay..
Musharax Xildhibaan Makko Maxamuud Muuse waa aqoonyahanad Soomaaliyeed oo 20-kii sano ee ugu dambeyay qeyb libaax leh ka qaatay dib u dhiska dalka waxey sidoo kale kamid tahay dadka ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada, islamarkaana sumcad wanaagsan iyo ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in Makko Maxamuud ay tahay siyaasi iyo islamarkana la soo shaqeeyay qaar kamid ah hay’adaha kala duwan ee dowladda iyadoo leh qibrad wanaagsan dhanka dowladda nimada iyo doorashadii 2016-kii.
Drs Makko Maxamuud Muuse ayaa ah inta la ogyahay ah murashaxa kaliya ee aan doonan xildhibaanimada, laakiinse ay dadweynaha gobolku u soo jeediyeen in uu ay ku matasho , dabadeedna aqbashay , taasoo muujinaysa in ay tahay tallaabo wanaagsan oo aan hore loo arag.
Muqdisho-Somalia