Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo gaadiid ka helay hayadda UNDP * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo gaadiid ka helay hayadda UNDP

Mareeg.com: Hay’adda Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa maanta gaadiid gudoonsiiyey xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya.

Gaadiidkan deeqda ah oo tiradoodu tahay 5 gaari ayaa waxaa hay’adda Horumarinta Barnamijyadda u qaabilsan Qaramada Midoobay oo magaceeda loo soo gaabiyo UNDP ku wareejisay mas’uuliyiinta xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka, waxaana munaasabadii wareejinta gaadiidka goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisalwasaraha Soomaaliya iyo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiskaas.

Gadiidkan ayaa loogu talagayey in uu kaalin ka qato dardargalinta howlaha xafiiska uu hayo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta UNDP oo goobta ka hadlay.

Bari Grafil ERIS,oo ah madaxa hay’adda UNDP ayaa sheegay in gaadiidkan maanta ay ku wareejiyeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka ay qeyb ka tahay taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cali Nuur xoghayaha joogtada ah xafiiska Ra’iisal wasaraha Soomaaliya ayaa kaga mahad celiyey Hay’adda UNDP gadiidkani ay maanta ugu deeqday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisalwasaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheer) oo dhankiisa warbaahinta la hadalay ayaa xusay in gadiiskan uu kaalin ka qadanayo horumarinta iyo fududeynta shaqada xafiiska.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!