Categories
Af Soomaali

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo adkeeyay doorashada Gobalada Waqooyi

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.”

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan:

Iyadoo la tixraacayo warqadda ka soo baxday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) sumadeedu tahay TRX/010/AG/2021, kuna taariikheyrsan 4/08/2021, Ujeedadeeduna tahay Doorashada Guddoonka Soomaaliland (SEIT), ayaa guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay fuliyaan Jadwalka doorashada Guddoonka guddiga.

Haddaba, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeynayaa in doorashada Hogaanka Guddiga ay noqoto mid daah furan laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

Sidaa darteed hay’adaha dowladda ee arrintani quseyso waa inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka guddiga, daneeyeyaasha caalamiga ah waxay u fasaxanyihiin kor joogteynta doorashada guddoonka guddiga.

Muqdisho-Somalia

By MM

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline
Email: news@mareeg.com