Xadka Jabuuti iyo Soomaaliya oo dib loo furay

Mareeg.com: Waxaa shalay dib loo furay xadka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Soomaaliya. Soohdinta labada dal ayaa la xiray dhamaadkii bishii hore ee May, xilligaasoo magaalada Jabuuti uu ka dhacay qarax Alshabaab sheegteen oo ay ku dhinteen ilaa 3 ruux oo labo ahaayeen dadkii is qarxiyey.

Xiritaanka xuduudka oo ayaa yimid kadib markii labadii qof ee isku qarxiyey baar ku yaalla Jabuuti la cadeeyey in labadii qof ee is qarxiyey ay ka tageen Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaa dedeel u galay sidii dib loogu furi lahaa xadka labada dhinac, waxaana maalmahan Jabuuti ku sugnaa wafdi uu hogaaminayo wasiirka aarimahga gudahaa maamulka Somaliland Cali Maxamed Wanarncadde.

Wadahal dheer kadib ayaa Jabuuti ogolaatay iney dib u furto xadka ay la leedahay Soomaaliya, si uu u socdo ganacsigii u dhaxeeyey labada dhinac.

Warancadde ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac isl garteen in soohdinta dib loo furo, amaankana laga wada shaqeeyo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245