Maxaabiis xukuman oo ku jirta Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isku dayay inay baxsadaan, kadib isku dhac dhex maray Ilaalada xabsiga iyo maxaabiistan oo dagaal sameeyay, xilli ay soo booqanayeen eheladooda.
Sida ay sheegayaan wararka rasaas ayaa laga maqlay xabsiga, iyadoo ilaalada xabsiga dhexe ay sameeyeen iska caabin ay uga hortagayeen maxaabiista buuqa sameysay ee afaafka hore ee xabsiga eheladooda kula kulmayay.
Mid ka mid ah dad ku booqanayay maxaabiis ehel la ah ayaa u sheegay warbaahinta in koox ka mid ah maxaabiista ay buuq sameeyeen, iyadoo lagu guda jiray booqashada ehelada oo maalin walba oo Arbaco ah xabsiga loo fasaxay in maxaabiista la booqan karo.
Ilaalada Xabsiga ayaa la dhacay budad iyo ulo qaar ka mid ah maxaabiistii xabsiga ku jirtay ee isku dayay inay baxsadaan, waxaana buuqa kadib ay keentay in la diido eheladii booqanayay maxaabiista.
Goor sii horeysay ayaa waxaa xabsiga tagay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta wasaarada garoorka, diinta iyo awqaafta, kuwaasoo haatan ku jira xabsiga, kulamana la leh Taliska Xabsiga Dhexe.
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira maxaabiis fara badan oo isugu jira kuwo xukuman iyo xukun sugayaal, waxaana ka mid ah dadkaas rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.