Xabad joojintii Guriceel oo burburtay & dagaal markale qarxay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xabad joojintii Guriceel oo burburtay & dagaal markale qarxay

Mareeg.com: Maanta waxaa markale dagaal cusub ka qaraxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Ahlsuna Waljamaaca oo magaalada horay u joogay iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo maalmihii dambe ku sugnaa banaanka magaalada.

Waxaa burburtay xabad joojin ay labada dhinac horay u kala saxiixdeen, kaasoo ay dhexdhexaadintiisa lahaayeen odayaal ka qeybgelaya shirka nabadeynta beelaha gobollada dhexe ee ka socda Dhuusamareeb.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dhacay dhinaca koofureed ee magaalada, waxaana saraakiil ka tirsan Ahlusuna ay sheegeen in rasaasta ay bilaabeen ciidanka dowladda.

Rasaas goos goos ah ayaa la sheegay in weli laga maqlayo magaalada Guriceel, iyadoo dadkii magaalada ay halkaas isaga carareen.

Magaalada Guriceel ayaa dhowr jeer gashay gacmo kala duwan, iyadoo ay halkaas gacan ku heynteeda isku hayaan Ahlusuna iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!