Xabad Joojin la kala dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Baladweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xabad Joojin la kala dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Baladweyne

Baladweyne ( Mareeg.com)-Beelihii ku dagaalamayay Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Xabad Joojin la kala dhex dhigay.

Heshiiska la kala dhex dhigay dhinacyada isku hayay Baladweyne ayaa ka dambeeyay kadib markii Wafdi Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan iyo Masuuliyiin ka socda Maamulka Galmdug ay gareen Magaalada Baladweyne.

Yuusuf Axmed Dabageed oo ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa cadeeyay in la isku raacay illaa 3 qodob oo ay ka mid yihiin in Xabadda la joojiyo , lana kala qaado Maleeshiyada labada dhinac.

Dagaallo saako ka dhacay Baladweyne ayaa la soo wariyay in dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Sarkaal Ciidamada dowladda Federaalka ka tirsanaa gaar ahaan Ciidamadii la kala dhex dhigayay Maleeshiyada dagaalameysay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!