Xabad Joojin la kala dhex dhigay Beelo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhameysay Xiisado Colaadeed oo ka taagnaa Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wasiirkii Kheyraadka dalka Dowladdii Kalsoonida Baarlamaanku uu kala laabtay oo ka mid ah guddi loo saaray dhameynta Xiisadahaasi u dhexeeysa Maleeshiyo Beeleedka halkaasi wada dega ayaa Warbaahinta u sheegay in kadib kulan weyne ay ka soo qeyb galeen Odayaasha Labada dhinac ay iskula meel dhigeen Xabad Joojin iyo in Maleeshiyaadkaasi la kala qaado.

C/risaaq Max’ed Wasiirka Kheyraadka dalka ayaa tibaaxay in Gebi ahaan hub ka aruurun lagu sameynayo Maleeshiyaadka dirirtu u dhexeysay islamarkaana ay isla garteen waxgaradka Gobolka Hiiraan in mar dambe uusan soo noqon dagaal Sokeeye.

Xubnaha ka socda dowladda Soomaaliya oo kooban wasiirro iyo xildhibaanno waxaa hor-kacaya wasiirrka kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed, iyaga oo warbaahinta u sheegay in ilaa 10 qodob ka soo sareen colaada deegaannka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Qodobada ay soo saareen xubnaha dowladda u soo xil saartay joojinta colaada ka taagay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa ka mid ahaa:-

In la joojiyo xabada. In la kala qaado maleeshiyada labada dhinac. In ciddii lagu arko hub loo aqoonsado danbiile hubkana lagala wareegayo, sharcigana la horkeeni doono. In dib loo dhiso tuulada Kabxanley dib loogu soo celiyo dadkii ka barakacay. In dowladda sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaari doonto dooda iyo muranka ka taagan lahaashaha dhulka leysku hayo iyo qodobo kale.

Xubnaha wafdiga ayaa sheegay in ay tageen deegaannadii lagu dagaallamay soona arkeen khasaaraha ka dhashay dagaallka, kulamana la qaateen sida ay hadalka u dhigeen waxgaradka labada dhinac.

Fulinta qodobadan ayaa la sheegay in loo xil-saaray ciidamada maamulka, AMISOM iyo ciidamada Itoobiya, kuwaa oo talaabo ka qaadi doona cid kasta oo ka hortimaada go’aanka laga gaaray colaada deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Col Cismaan Dubad ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo dhaqan-gallka go’aanka kasoo baxay xubnaha ka socda dowladda ee ku aadan colaadda Kabxanley.