Xabad joojin la dhex dhigay ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlusuna ee Galgaduud

Mareeg.com: Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney xabad joojin dhexdhigaan labadii dhinac ee todobaadkaan ku dagaalamay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna ayaa ku dagaallamay Dhuusamareeb iyo Guriceel, kadib markii la isku khilaafay maamul u sameynta gobollada dhexe oo dowladdu waddo.

Ugaas Xasan Ugaas Max’ed Nuur oo la hadlay KNN ayaa shegay in Xabad joojin muda seddex maalin ah lakala dhex dhigay dhinacyadii ku dagalamay Magaaloyinka Guriceel iyo dhuusaomareeb ee Gobalka Galgaduud.

Ugaas Max’ed ayaa sheegay in mudadaas sidexda maalin ah ay rajeynayaan in colaada lagu soo afjaro iyagoo ay iska kaa shanayaan odayaasha dhaqanka Ganacsatada iyo Culuma’u’diinka gobalka Galgaduud.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245