Xaaska R/Wasaare Saacid oo dacwad ka gudbisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh (Xog la helay)

Read Time:1 Minute, 29 Second

Sida Xog hoose aan ku helnay Xaaska R/Wasaaraha Soomaaliya Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxa ay u gudbisay Kooxda Monitoring Group oo loo asteeyey ka hortaga colaadaha, xasaradaha & musuq-maasuqa Dalalka Soomaaliya iyo Eretaria.

Xildhibaanada ayaa dacwada ay u gudbisay Kooxda Monitoring Group waxa ay ku sheegtay in Xafiiska Madaxweynaha uu kasocdo Musuq maasuq balaaran uu wado Madaxweynaha Soomaaliya uuna ku doonayo in Baarlamaanka ku ridaan R/Wasaare Saacid Xildhibaanadana lacago loogu qeybinayo ridista Xukuumada.

Caasho Xaaji Cilmi ayaa Madaxweynaha ku eedeesay in uu isagu masuul ka yahay Mooshinka laga keenay R/Wasaaraha uuna u adeegsanayo ridistiisa lacago laaluush ah oo la siinayo Xildhibaanada saxiixay mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si hoose ula hadlay Bogan ayaa noo sheegay in ay jiraan Dacwada laga gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ayna Xildhibaanadan intaa ku dareen in arintaasi ay saameyn badan ku yeelatay ololihii ay wadeen Xubno Madaxweyne Xasan Sheekh u xil saaray kasbashada Xildhibaanada si loo rido R/Wasaaraha.

Kooxda Monitoring Group oo ah Hay’ad Qaramada Midoobay ugu tala gashay dabagalka iyo lasocoshada Xasaradaha iyo Musuq maasuqa Dalal ay Soomaaliya ku jirto ayaa hada bilowday baaritaano lagu sameenayo Musuqa la sheegay in uu Madaxtooyada ka jiro gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu Xildhibaano lacag kusiinayo ridista R/Wasaare Saacid.

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu arkay Xubno katirsan Kooxda Monitoring Group kuwaa oo durba bilaabay in ay u kuur galaan Musuqa la sheegay in Madaxtooyada kasocdo waxa ayna la kulmeen Su’aalana wediiyeen Xubno madaxweynaha u qaabilsanaa dhinaca ololaha iyo kasbashada Codka Xildhibaanada.

Tan iyo markii ay Dacwada gudbisay Marwada R/Wasaaraha Soomaaliya waxaa aad u yaraaday lacagihii lagu qeebinayay Madaxtooyada gudaheeda iyo Hoteelada qaar , waxaana hada taa badalkeeda Xildhibaanada lagu kasbanayaa balan qaadyo hoose.
Xigasho

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %