Xaalado Nololeed Oo Laga Soo Sheegayo Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.

Dhibaatada ugu daran ee waqti xaadirkani ay ka cabanayaan dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa ka mid ah cudurada Shubanka,Malaariyada iyo Jadeecada oo degmadaasi ka dilaacay muddo iminka laga joogo ilaa Tobon maalin.

Inta la og yahay todobo ruux oo ay ku jiraan caruur ayaa cuduradaasi ugu geeriyootey degmadaasi,halka tiro intaasi ka badana ay la liitaan.

Deegaanada ugu daran ayaa waxaa ka mid ah Buusaar,Garsaal,Geriley ,Cawasquran iyo dhulka miyiga ah sida uu Radiyaha Shabelle u sheegay Sahal Macalin Aden oo ah G/Ku xigeenka Maamulka degmada Ceelwaaq,

Dhibaatooyinkani ayuu sheegay in ay ka dhasheen raadadkii ay reebeen abaaraha iyo Roobabkii daadadka watey ee ka da,ay deegaanka,arimahaasi oo is biirsadey ayuu sheegay in ay sabab u tahay in Cudaradaasi ay ka dilaacaan deegaanka,