Xaaladda nololeed ee dadka degmada Buulo Barde oo laga deyrinayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xaaladda nololeed ee dadka degmada Buulo Barde oo laga deyrinayo

Mareeg.com: Xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan degmada Buula-burte oo Alshabaab go’doon ku hayaan ayaa laga deyrinayaa.

Liibaan Cabdi oo ah Sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada Buula-burte ayaa warbaahinta u sheegay in wali degmada xayiraad ku hayaan Al-shabaab, kaddib markii ay iska hortaageen in ay gudaha u  gallaan degmada gadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha gobollada dalka.

”Meelaha qaar waxaad arkeysaa qoysas dhan oo baahi -darteed u jiifa, kaddib markii ay waayeen wax ay quutaan, xaaladu waa ay sii xumaaneysaa, mana jirto wax loo qaban karo ayuu yiri” sii hayaha xilka guddoomiyaha degmada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore gaarsiisay degmada raashin mucaawinno ah oo ay galbinayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, hasse ahaatee gargaarkaasi ma noqon mid dadka si isku mid ah uga wadda faa’ideystaan, kaddib markii la musuq-maasuqay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo la hadllayay BBC, ayaa sheegay in ka maamul ahaan si dhaw ula socdaan xaalada dadka ku dhaqan degmada, dhawaanna qorshuhu yahay in la furo dhamaanba jidadka galla degmada.

”Qorshaha inoo degsan ka maamul ahaan waa in sidda ugu dhaqsiyaha badan degmada looga qaado go’doominta ay ku jirto, waxaana howlgal qorsheysan ka fulin doona degmada iyo deegaannada ku hareereysan ciidammada dowladda iyo kuwa Midowgga Africa AMISOM, ayuu yiri” guddoomiyaha gobolka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!