Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed oo lagu * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed oo lagu

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa cadeeyay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuled ay aad u wanaagsan tahay ka dib qalliin lagu guuleystay oo looga sameeyay dhinaca wadnaha.

Wasiirku waxa uu xaqiijiyay in madaxweynuhu uu xalay casho sharaf u sameeyay dhakhtarkiisa Ramakanta Panda oo ka mida 25-ka dhakhtar ee ugu muhimsan dalka India kaasoo horay ugu soo guuleystay qalliimo dhowr ah oo uu ku jiro Ra’isal Wasaaraha iminka talada ka haya wadanka India Narendra Modi & Madaxweyne C/kariin H. Guuled.

“Qalliinka waxa uu u dhacay sidii aan u qorsheynay, wax dhib ahna lagalama kulmin ayuu yiri, Dr. Ramakanta Panda oo u mahad celiyay madaxweynaha.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa howlo caafimaad ugu safray dalkaasi India saddex usbuuc ka hor, waxaana la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabto si uu u sii ambaqaado howlahii maamulka Galmudug.

DHAMAAD

Wixii Faah-faahin ah Fadlan kala xiriir:
Md. Maxamuud Aadan Cusmaan
Wasiirka Warfaafinta Hanuuninta Dhaqanka & Dalxiiska
Dowlad Goboleedka GalMudug ee Soomaaliya
E-mail:mesagaway2@gmail.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More