Xaalada magaalada marka oo maanta degan — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xaalada magaalada marka oo maanta degan

Wararka saakay ka imaanaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in laga dareemayo xaalad daganaan ah kadib markii shalay halkaasi ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadii la wareegay  Marka oo uu hogaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Genaraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa howlgalo saakay waxa ay ka sameeyeen gudaha Magaalada iyo daafaheeda, isla markaana la sheegay in qeybo kamid ah gudaha Marka ay joogaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Genaraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada marka,isagoona kala hadlay mas’uuliyiintaas xasilinta magaalada Marko iyo deegaanada ku dhow dhow.

Maxamed Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in hawlgalka ay ka sameeyeen Ciidamada xoogga dalka ay la wareegay marka uu yahay ujeedkiisa in sidii deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ay gacanta ku hayaan Dagaalyahanada Al Shabaab looga saari lahaa.

“Hawlgalkan wuxuu yahay mid cadowga looga saarayo gobolka, hadii nabad diidka degmo lagala wareegay waa horumar la gaaray, shacabka waxaan ka dulqaadeynaa nimanka gumeysanaya, waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga guuleyso Al Shabaab”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!