Xaalada magaalada Galkacyo oo saaka kacsan, kadib shaqaaqo ay dad badan ku dhinteen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xaalada magaalada Galkacyo oo saaka kacsan, kadib shaqaaqo ay dad badan ku dhinteen

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku geeriyootay shaqaaqo shalay illaa xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Galkacyo, kadib markii Ciidamada ammaanka Puntland ay si xoog leh uga saareen dad deganaa guryihii dowladdii hore, taasoo ka dhalatay iska hor imaad.

Maamulka Puntland ayaa horay u soo saaray amar ku saabsan in dadka sida sharci darada ku degan guryihii dowladdii hore laga saaro, waxaana taasi ay keentay inay ka soo horjeestaan dadkii degenaa.

Afar ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay markii gaari ay saarnaayeen rasaas lagu furay xalay fiidkii, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga lagu waday qof dhaawac ahaa, waxaana la sheegayaa in ciidamada ay ka shakiyeen, kadibna rasaas ku fureen.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay ka biya diidan yihiin in guryihii dowladdii hore ay ka baxaan, waxaana xiisad saaka laga dareemayaa magaalada Galkacyo xiisad la xiriirta arrintan.

Qeybo ka mid ah xaafadaha Galkacyo ayaa xalay laga maqlayay rasaas, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay jiraan kooxo ka soo horjeeda dowladnimada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!