Xaalada Degmada Jalalaqsi oo saakay kacsan iyo ciidamo gudaha u galay

Read Time:51 Second

Wararka aan ka heleyno degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in xalay degmdaasi ay gudaha u galeen ciidamo uu wato maamulka cusub ee degmada loo magacaabay,iyadoo maamulkii hore ee Jalalaqsi uu ka warqabin.

Ciidamada gudaha u galay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay uu hogaaminayo maamulka cusub ee loo magacaabay degmada,isla markaana aysan ka warqabin maamulkii horey ee diidana inuu xilka wareejiyo.

Xuseen Sheikh Aadan Qaasim  oo ah Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi ayaa waxa uu sheegay in xalay degmada soo  galeen ciidamo cusub,iyadoo uu ka warqabin maamulka hada gacanta ku haayo degmada,isla markana aan lagala tashan imaatinka maamulkaasi ee dhawaan la magacaabay.

Maamulka Magaalada Jalalaqsi ayaa diidanaa mudooyinkii danbe inuu xilka ku wareejiyo maamul cusub oo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Xaalada degmada Jalalaqsi ayaa saakay waxa ay tahay mid kacsan,maadaama gudaha degmada ay ku wada sugan yihiin labada maamul, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %